Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar oo socdaal ku tegey degaanno dhawaan shaqaaqo ka dhacday

Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar ayaa socdaal ku tegey degmada Dhudhub iyo degaanka Dhuudo oo ay dhawaan shaqaaqo ka dhacday, waxaana ay shirar la yeesheen odayaasha iyo waxagaradka degaanka, oo ay kala hadleen xallinta shaqaaqadii dhacday.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay wehelinayeen Xildhibaan Maxamuud Cali Gooni, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiyada Puntland Maxamed Siciid Hogaamo, iyo nabadoonada gobolka karkaar, ayaa halkaasi u tegey xal u helidda shaqaaqadii dhacday.

Mas’uuliyiinta halkaasi booqday iyo dhammaan dhinacyada degaanka ayaa isla qaatay in si wadajir ah looga shaqeeyo amni degaanka, islamarkaana xal loo helo shaqaaqado dhawaan ka dhacday degaannada Dhudhub iyo Dhuudo.

PUNTLAND POST