
Dowladda Puntland ayaa baaris ku bilowday baabuur laga shakiyay in uu raashin iyo sahay kale u siday firxadkii mileeshiyaadka Daacish oo weli degaanno kooban kaga go’doonsan Calmiskaad.
Ururka Gantaal ee ciidamada difaaca Puntland oo kaashanaya ciidanka Booliska degmada Qandala ayaa baabuurkan ku qabtay degaanka Unuun, kaddib markii looga shakiyay in uu raashinka iyo sahayda kale u siday degaannadii aan weli laga saarin firxadkii Daacish ee la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayaan.
Baabuurkan oo nooca loo yaqaan BROBOX aya siday raashin, soollar iyo agab isgaarsiin, sida uu shaaciyay Hawlgalka Calmiskaad oo warkan soo saaray “Ciidanku waxay Turmasaale Keeneen gaari iyo ninkii watay oo lagu soo qabtay isagoo Raashin , Solar iyo Agab isgaarsiin u wada dhulka laga sifeynayo Firxadka Argagixisada Daacish.”
PUNTLAND POST