Dowladda Puntland oo bilowday dhaq dhaqaaqa Hawlgalkii Onkod ee buuraha Calmadow (Sanaag)

Taliye ku xigeenka ciidanka difaaca Puntland S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig), oo ay weheliyaan saraakiil sare ayaa booqday cutubyo ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugan jiidda hore ee buuraha Calmadow.

S/Guuto Cabdiraxmaan Ilig ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan ciidamada fadhiya difaaca hore ee buuraha Calmadow, halkaasi oo uu dhawaan ka bilaabanayo Hawlgalkii la baxay Onkod ee ciribtirka argagixisada Al-shabaab, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo warkan soo saaray.

“Mas’uuliyiintan oo Kulamo la yeeshay Saraakiisah iyo Ciidanka ayaana ku dhiirri-geliyay kuna amaaanay sida wanaagsan ay u gudanayaan Waajibaadkooda una difaacayaan dalkooda iyagoona ku booriyay in ay Diyaar garoobaan Howgalka Onkod ee Buuraha Calmadow looga sifaynaayo Argagixisada ku dhuumalaysanaysa kaas oo dhowaan la Bilaabayo Howgalkiisa” ayuu yiri Taliska ciidanka Puntland oo ka warbixiyay kormeerkaasi.

Dhinaca kale, Abbaan-duulaha guud ee ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) oo socdaal ku tegey degaanka Yubbe ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa halkaasi ka bilaabay qaramaynta ciidamo beeleedyo ku sugan degaanka, kuwaasi oo sida uu sheegay qeyb ka noqon doonaa Hawlgalka Calmadow.

PUNTLAND POST