Mas’uuliyiinta safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ku wajahan Boosaaso

Mas’uuliyiinta safaaradda dowladda Turkiga ee Muqdidho ayaa sida la filayo ku wajahan magaalada Boosaaso, halkaasi oo Puntland ku hayso markabkii Hubka siday ee Sea World.

Mas’uuliyiinta safaaradda Turkiga ee imaanaya Boosaaso ayaa lagu wadaa in ay halkaasi shir ku saabsan xaaladda markabka Sea World kula yeeshaan madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dhawaanahan ku sugan magaalada Boosaaso.

Markabkan oo hadda ku xiran dekedda Boosaaso, kaddib markii Puntland qabatay, islamarkaana uu baaritaan ku socdo ayaa ka soo shiraacday dekedda magaalada Izmir ee dalka Turkiga, waxaana uu ku sii jeeday Muqdisho oo uu u siday shixnadda habka ah ee saaran.

Dowladda Puntland waxay horay u xaqiijisay  in Ganacsato Reer Muqdisho ah iyo Safiirka Turkiga oo la soo xiriiray mid kasta uu sheegtay shixnadda Hubka ah ee saaran Madkabka, taasi oo abuurtay shaki ku saabsan cidda sax ahaan u leh hantidaasi.

PUNTLAND POST