
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo degaanka Hadhwanaag oo ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool Shir kula yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad garnaqsi ah taabanaysa dhinacyo kala duwan.
Ilyaas Lugatoor, oo ay weheliyaan Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise iyo Odayaasha dhaqanka ee degmada Boocame iyo degaanada hoosyimaada ayaa Khudbaddiisa si weyn ugaga hadlay Mawqifka uu ka taagan yahay Shirkii Laascaanood ka dhacay, oo ay Villa Somalia abaabushay, kaasi oo lagu dhisay Maamulka cusub ee loo bixiyay ‘Waqooyi Bari’ oo ka kooban Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer.
Mudane Lugatoor wuxuu Khudbaddiisa ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Siciid Deni kaalin weyn ka qaateen Dagaalkii Laascaanood lagaga saaray Somaliland oo naf iyo maal badan ku baxay, islamarkaana wuxu tilmaamay in Ciidamadii Puntland oo dhan dagaalkaasi ka qeyb qaateen oo khasaare badan ku dhacay, si ay degaannada Sool uga saaraan Ciidamadii Somaliland ee fadhiyay.
Intaasi oo dhan markii lagu guulaystay ayuu sheegay in Hoggaamiye Firdhiye si fudud wixii loo dhintay ugu gacan-geliyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo aysan naf iyo maal toona kaga bixin dagaalkii weynaa ee Somaliland lagaga saaray Gobolka Sool, waxaana uu xusay in abaal dhac xun lagu sameeyay Puntland.
Halkaan ka daawo Khudbadda Lugatoor
PUNTLAND POST