Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Gaalkacyo

Shirka Horumarinta gobolka Mudug, oo ay si wadajir ah u qabteen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo haldoorka gobolka ayaa maanta ka furmay Gaalkacyo.

Shirkan waxaa si weyn loogaga hadlay qorshayaasha horumarineed ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, culimada, isimada dhaqanka Mudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiinta ka qaybgalay Shirka intooda badan waxay jeediyeen khudbado taabanaya xaaladda guud ee Gobolka Mudug iyo sida si wadajir ah looga shaqayn karo horumarka gobolka, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah uu soo xirmo Shirkan, islamarkaana laga soo saaro go’aamo rasmi ah oo ku saabsan dhammaan qodobadii laga hadlay.

PUNTLAND POST