
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo xalay soo saaray Warsaxaafadeed wadajir ah ayaa shaaciyay in uu maanta oo Khamiis ah furmayo Shirkaasi, kaddib markii la xalliyay Khilaafkii ka taagnaa qabsoomiddiisa.
Shirkan oo ku saabsan u qareemidda Horumarinta Gobolka Mudug ayaa sida la go’aamiyay wuxu Gaalkacyo ka furmaya maanta oo ku beegan 31/07/2025, waxaana si wadajir ah u qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug.
“Annagoo ah guddiga Horumarinta degmada Gaalkacyo, waxaa Eebbe nagu guuleeyay in farqigii u dhexeeyay qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ku aaddanaa Maamulka iyo Ajandaha Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaana go’aaminay in Shirku furmo 31/07/2025, islamarkaana soo geba-gaboobo 01/08/2025.”
“Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaa wada qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed wadajir ah oo ay xalay soo saareen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug.
PUNTLAND POST