Puntland: Askar ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad ayaa saaka xirtay wadada gasha garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Dhaawacyadii Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad, oo ay ka tirsanayaan xukuumadda madaxweyne Deni ayaa jidka ka xirtay afaafka hore ee isbitaalka Marsuuq, taasi oo xannibtay isu socodkii gaadiidka adeegsanaya wadada gasha Airport-ka magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiinta degmada Boosaaso iyo Taliska ciidanka Booliska gobolka Bari oo halkaasi tegey ayaa ka dalbaday askarta dhaawacyada qabta ee jidka xirtay in ay banneeyaan wadada, islamarkaana waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan daryeel caafimaad oo dhamamaystiran.

Balse, sida wararku sheegayaan weli laguma guulaysan in la furo jidkan oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso, waana markii labaad oo askar ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad ay xirtaan wadada Airport-ka, iyagoo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad.

PUNTLAND POST