
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, wuxuu ka tacsiyeeynayaa geerida Allaah ha u naxariistee geerida Dr. Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dr. Dhegaweyne), oo ku geeriyooday deegaanka Kala-bayr ee degmada Boosaaso.
“Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo, Dr. Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dr. Dhegaweyne) oo geeriyooday, wuxuu ahaa masuul waxbadan usoo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa. Wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii Puntland oo uu xilal kala duwan oo heer Wasiir illaa la-Taliye Madaxweyne uu kasoo noqday.
Wuxuu ahaa shakhsi wakhtigiisa inta ugu badan geliyay ka shaqeynta Amniga, horumarka iyo midnimada dadka reer Puntland, wuxuu hadda ka mid ahaa Guddiga ka shaqeynayey Hawlgalka ka socda Calmiskaad weliba wuu ku dhaawacmay.
Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynayaa Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, eheladiisii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday, marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo oo janadii ha geeyo inagana samir iyo iimaan Allaah ha inaga siiyo Aamiin” Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
AHUN Dr. Dhegaweyne wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Dowladda Puntland, wuxuuna soo noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha Guddiga la dagaalanka AIDs-ka Puntland ee (PAC) iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Caafimaadka, isagoo sidoo kale hada xubin ka ahaa Guddiga ka shaqeynaysa Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, wuxuuna ka mid ahaa geesiyaashii reer Puntland ee ku dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ka socda.