
Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah an cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada .
Golaha Baarlamaanka Puntland oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in ay fadhigii maanta ku meel-mariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada, oo ay soo gudbisay wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland.
Fadhiga oo ay soo xaadireen 34 mudane, waxaa ogolaaday ansixinta Xeerkan 32 mudane, waxaana ka aamusay 2 xildhibaan, islamarkaana ma jirin cid diiday, sida uu shaaciyay Baarlamaanka Puntland oo warkan soo saaray.
“Xildhibaanada golaha wakiillada dowladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada
ee Puntland, waxaa oggol ugu codeeyay 32 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 2 mudane” ayaa lagu yiri warka Baarlamaanka.
PUNTLAND POST