Puntland: Xasan Shiikh iyo kooxda uu hoggaamiyo waa burcad-badeed xiriir la leh argagixisada Caalamiga ah

Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo kamid ah shakhsiyaad ugu dhaw madaxweyne Siciid Deni ayaa koox burcad-badeed ah ku tilmaamay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo eeddaasi faafiyay ayaa sheegay in ay burcad-badeed iyo maafiyo yihiin kooxda fadhida Villa Somalia oo uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana uu ku eedeeyay in ay xiriir hoose la lee yihiin burcad-badeedda iyo argagixisada Caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in haddii Xasan Shiikh iyo kooxdiisu gacanta ku hayn lahayd xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland ay “noqon laheyd hooyga Argagixisada iyo Xarunta Maafiyada ka ganacsada Hubka & Maandooriyaha Aduunka Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Raasiga Caluulana Somali iyo Dunida kale midna nabad kuma mareen.”

“Bal qiyaas maxey sameen lahaayeen kooxda Burcad Dowladeed ee qabsadey Villa Somalia haddii ay gacantooda ku jiri laheeyeen Xeebaha Istiraatijiga ah ee Puntland ee Gacanka Cadmeed iyo Raasiga Caluula ee Badwaynta Hindiya?. Shaki kuma jiro in ay maylkasta, mittirkasta iyo marsa walba ay isbaaro dhigan lahaayeen, ama Burcad Badeed iyo argagixiso caalami ah ka kireen lahaayeen” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

“Puntland waxey 35 Sano ubanbeysey masuul ka aheyd ilaalinta iyo amniga 1600KM oo ah xeebaheeda, oo u dhiganta 50% Xeebta Somalia, 35 Marso xeebeed, isla markaana ay maraan 97% Gaadiidka Badda ee u socda ama ka yimaada dhammaan Dakadaha iyo Xeebaha Somalia iyo sidoo kale 30% Gaadiidka wada ganacsiga adduunka u kala goosha, 45% Shidaalka caalamka iyo waliba 80% kalluunka Somalia” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST