
Mareykanka ayaa billaabay si aan horey looga baran inuu uga hadlo xaaladda Suuriya ; wakiilka Mareykanka u qaabilsan Suuriya , Tom Barrack ayaa si cad u yiri“ Ma hayno wax beddel ah oo hadda u diyaarsan dowladda Suuriya, iyadoo ay jiraan xoogag si ula kac ah u doonaya inay ridaan…Waxaa jirta suurtagalnimo weyn in Suuriya ay wajahdo masiir la mid ah kii Afgaanistaan ama Liibiya, xitaa laga yaabee mid ka daran.”
Wuxuu intaa ku daray ; “Dowladda Suuriya mas’uul kama aha dambiyadii ka dhacay gobolka Suwayda, sababtoo ah ciidamadeeda halkaas ma aysan gelin. Wixii xasuuq ah ee dhacayna ma aha fal ay geysteen ciidamada dawladda.”
Diblomaasiga Mareykanka ayaa sidoo kale usoo jeediyay inay Israa’iil wadahadal la furto dawladda uu hoggaamiyo Axmed Sharac.
Tom Barrack , oo sidoo kale ah safiirka Mareykanka u fadhiya Turkiga , wuxuu hadalkiisa si cad u muujinaya inay jirto kala aragti duwanaan u dhaxeysa Mareykanka iyo Israa’iiL oo la xiriirta hoggaaminta Axmed Sharac ee dalka Suuriya , isagoo caddeeyay in Mareykanka uusan heyn hoggaamiye kale oo ay u oggaalan karaan xukunka Dimishiq.
Hadalka ayaa sidoo kale meesha ka saaraya iskuday ga ay Israa’iil ku doonayso in Muzlum Abdi, oo ah hoggaamiyaha Kurdida Suuriya in loo dhiibo xukunka Dimishiq , balse tan suragal uma arko Mareykanka , waana sababta ay hadda u caddeynayaan inaysan heyn beddelka Axmed Sharac, sababtoo ah Carabta ma aqbalayaan in qof kurdi ah uu xukumo.
PUNTLAND POST