Xiisad weli ka taagan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo

Xiisad dagaal ayaa weli ka taagan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo shalay dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland.

Dagaalka labada dhinac ayaa bilowday kaddib markii shalay degmada Beledxaawo diyaarad ciidan lagu geeyay Cabdirashiid Janan oo dowladda Federaalku u soo magacowday Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee gobolkaaasi.

Wararka ayaa sheegaya in degmada Beledxaawo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Jubaland, islamarkaana Cabdirashiid Janan iyo ciidamada taabacsan ku sugan yihiin xero ku taalla bannaanka magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale xeradaasi ku dhexmaro labada dhinac.

Jubaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay xiisad culus ka abuurtay degmada Beledxaawo, kaddib markii ay halkaasi diyaarad ku geysay Cabdirashiid Janan oo ay u xil saartay dagaal ka dhan ah Jubaland.

PUNTLAND POST