
Saraakiisha laamaha amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ka qayb-galay shirkii toddobaadlaha ahaa ee amniga, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo kor u qaadidda wada-shaqaynta hay’adaha ammaanka iyo maamulka degmada.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Magaalada Gaalkacyo, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Dacad.
Warbixin laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in la isla gartay in la kordhiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana la xoojiyo xiriirka joogtada ah ee u dhexeeya saldhigyada booliska, hay’adaha kale ee amniga iyo maamulka degmada.
Guddoomiye Dacad ayaa uga mahadceliyey saraakiisha amniga dadaalka ay wadaan, isaga oo carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si dhow loola shaqeeyo bulshada si loo xoojiyo xog-helidda iyo ka hortagga falalka amni-darrada.
Shirkan ayaa qeyb ka ah kulamo toddobaadle ah oo si joogto ah loogu falanqeeyo xaaladda amniga magaalada Gaalkacyo, iyadoo la isku raacay in la sii xoojiyo howlgalka wadajirka ah ee sugidda amniga.
PUNTLAND POST