
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo maanta gaaray magaalada Boosaaso ayaa Shir la leh guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, Maxamed Baarri iyo saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalka Calmiskaad.
Sidoo kale, Shirkii golaha wasiirada Puntland oo saaka ka qabsoomay Garoowe ka hor inta aan madaxweyne Deni u safrin Boosaaso ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardar gelinta hawlgalka Calmiskaad ee Ciribtirka argagixisada Daacish, kaasi oo sida dowladdu sheegtay maraya meel gebogebo ah.
Ciidamada difaaca Puntland, oo ay cirka ka taageerayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa Todobaadkan dagaallo culus kula jira mileeshiyaadka Daacish oo markan loogu tegey godadkii horjoogayaasha iyo maxastu u joogtay ee togga Baallade, sidan ka xigannay saraakiil amni.
PUNTLAND POST