Madaxweynaha Puntland oo saaka safar deg deg ah ugu baxaya magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa saaka safar deg deg ah ugu baxaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana la sheegay in uu halkaasi u tegeyo dardar gelinta hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan sheegay in uu tegeyo furimaha hore ee Calmiskaad si uu dardar gelin ugu sameeyo wejiga 4aad ee hawlgalka ciribtirka mileeshiyaadka Daacish oo wakhtigan xooggiisu ka socdo togga Baallade, halkaasi oo ciidamada Puntland ka wadaan sifaynta firxadkii argagixisada.

Ciidamada dowladda iyo mileeshiyaadka Daacish ayaa waxa todobaadkan dagaallo adag ku dhexmareen nawaaxiga ceelka Rasaqan ee togga Baallade, oo ay ku dhuumanayaan horjoogayaasha sare ee kooxda, oo ay weheliyaan dumar iyo carruur, sida laga soo xigtay Hawlgalka Calmiskaad.

Sidoo kale, ciidamada oo shalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay togga Daanyo ee degmada Qandala ayaa halkaasi ku dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa firxadka Daacish, kuwaasi oo ay sawiradooda lagu soo bandhigay barta Telegram-ka.

PUNTLAND POST