
Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay aqbalaadda luminta xubinimada golaha ee mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Fadhigii saaka ee Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 43 mudane ayuu golaha wakiilada Puntland ku meel-mariyay luminta xubinimada golaha ee Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka) oo dhawaan xilkaasi iska casilay sida uu ka shaaciyay Shirkii dhammaystirka maamul dhiska SSC-khaatumo ee Laascaanood.
38 mudane ayaa u codeeyay aqbalaadda luminta xubinimada Baarlamaanka ee Cabdirashiid Abwaanka, hal xildhibaan ayaa diiday, halka ay ka aamuseen 4 xubnood sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka Puntland oo warkan ku dhawaaqay.
Abwaan Cabdirashiid oo hore u soo noqday guddoomiyaha golaha Puntland ayaa maalmo ka hor shaaciyay in uu si rasmi ah isaga casilay xubintii xildhibaanka si uu qeyb uga noqdo qorshaha dhammaystirka maamul u samaynta iyo midaynta Maakhir iyo Khaatumo oo ka socda Laascaanood.
PUNTLAND POST