
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo u dhow degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka al-shabaab, iyadoo howlgalka lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo waday hub iyo maleeshiyaad.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu yiri “Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan kuna sii jeedeen deegaanka Buq-Aqable.”
“Howlgalka oo si guul ah kusoo dhammaaday ayaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad, waxaana jira muuqaalo caddeymo ah oo ay qabatay Kaamirada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonno si ay uga dhargaan jabka xooggan ee gaaray Khawaarijta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka NISA.
PUNTLAND POST