Madaxweyne Deni oo sheegay in uu ku sii jeedo furimaha hore ee Hawlgalka Calmiskaad

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka qeyb galay kulan lagu bogaadinayay doorkii ay haweenka Puntland ka qaateen Hawlgalka Capmiskaad ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo hawlgalkaasi.

Madaxweyne Deni waxa uu shaaciyey in lagu jiro maalmihii ugu dambeeyey ee hawlgalka Calmiskaad, uuna dhawaan bilaaban doono hawlgalka xiga Onkod ee Alshabaab looga xoraynayo degaamada ay kaga sugan yihiin buuraleeyda Cal-madaw ee gobolada Bari iyo Sanaag.

“Hawlgalkii Hillaac wuxuu marayaa gaba-gabo, wuxuu marayaa meelihii iyo maalmihii ugu dambeeyey oo la rabo in laga guulaysto cadawga Daacish, waxaa la rabaa in laysu diyaariyo hawlgalkii Onkod oo isaguna bilaaban doono sida dowladdu sheegtay”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in reer Puntland ay iskutashi bulsho iyo dowladeed ku qaban doonaan shaqooyinka farsamo ee hawlgalka, isagoo haweenka ugu baaqay inay doorkooda laba jibbaaraan.

“Waxaan rabaa gabdhaha reer Puntland inay u diyaar garoobaan marxaladda cusub oo kaalintoodii cuntada, huga, daawada, daryeelka dhaawacyada iyo agoomaha kuwa dhintay dowladda ka gacan siiyaan, waxaan rajaynayaa maalmo dhaw inaan furimaha ku noqon doono si aan ciidanka u dhiirgeliyo, ilaa aan deegaamadeena ka sifayno cadaw kuleh fariisimo ciidan hawlgalku waa soconayaa kuwa magaalooyinka ku dhuumaalaysanaya waa qorshe kale” ayuu sii raaciyay Deni.

PUNTLAND POST