
Shirkii dhammaystirka maamul u samaynta SSC-khaatumo oo lagu waday in uu furmo maanta oo Sabti ah ayaa la baajiyay, kaddib markii ay ka horyimaadren siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Khaatumo.
Odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo garaad Jaamac garaad Cali iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo ay ku jiraan musharrixiin u tartamaya xilka Hoggaamiyaha SSC-khaatumo ayaa ka biya-diidsan in shakhsiyaad laga soo qortay Sanaag iyo Haylaan oo aan metelin degaankooda ay Shirka kaga qayb galaan magaca Beesha Warsangeli.
“Talo meel kale laga soo raray laygu dhaqi maayo, wixii aan 15 sano ka dagaalamay in walaalahay Warsangali lagula dhaqmo yeeli maayo aqbali maayo- Warsangali waa walalaahayo umana quudhno in aan dhahno anagaa idinka xuleynayna waxaan rabno, mana dhacayso kulama dhici karno wixii aan shalay diidnay, kana dagaalnay wax naga suuragalaya maaha, Naga raali ahaada walaalayaal Talo mideysan ayaa rabnaa” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka horyimid Shirkaasi.
Dhinaca kale, Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka garaad Jaamac Garaad Cali, waxaana uu caddeeyay in aysan Beesha Warsangeli qeyb ka ahayn Shirka Laascaanood, islamarkaana aysan jirin cid ku matasha. Suldaan Sicid Suldaan Cabdisalaam ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka in aysan xiisad dhexdooda ka abuurin dadka walaalaha ah ee Sanaag iyo Sool.
PUNTLAND POST