
Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka) oo ka tirsan golaha Baarlamaanka Puntland horena u soo noqday guddoomiyaha golaha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni in uu beeshiisa hoose u soo rarayo gobolka Sanaag, si ay xoog ugu qaataan dhulka Reer Maakhir.
Cabdirashiid Abwaanka oo xalay hadalkan ka jeediyay degaanka Damalla-xagarre ee gobolka sanaag ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu diyaariyay 5,000 kun oo askari, kuwaasi oo uu ku qabsanayo dhulka Reer Maakhir, islamarkaana beeshiisa hoose xoog ku soo dejinayo Sanaag, si ay 100 sanno ee soo socda u qaataan dhulkaasi.
“Deni wuxu diyaariyay 5,000 kun oo askari, isagoo ku marmarsoonaya AS ban ka xorayn Calmadow, si uu xoog ugu qabsado gobolka Sanaag, kaddibna soo raro reerkiisa oo soo dejiyo, si ay dhulkaasi qabiilkiisu u qaataan, 100 sano kaddibna la dhaho dhulkaasi Reer Sanaag baa lahaan jiray” ayuu yiri Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Hadalka Cabdirashiid Abwaanka ayaa imaanaya saacado kaddib markii madaxweyne Deni ku eedeeyay Abwaan iyo kooxdiisa in ay soo dirsatay Villa Somalia, si ay u carqaladeeyaan hawlgalka ka dhanka ah argagixisada As ee Puntland dhawaan ka bilaabayso buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.
PUNTLAND POST