
Ciidamada Mareykanka ayaa xalay weerar xooggan ku miray bartilmaameedyo oo dhaca togga Baallade oo dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin horjooge sare iyo firxad ka tirsan mileeshiyaadkii argagixisada ahaa ee Daacish.
Duqeyn xoog badan ayaa fiidnimadii xalay laga maqlay bartamaha togga Baallade, halkaasi oo sidoo kale laga arkay holac gaduudan oo cirka isku shareeray, kaddib markii Hawlgalka Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM uu weerar dhinaca cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ay ku dhuumanayeen horjooge muhiim ah iyo mileeshiyaadkiisi.
Ilo wareedyo amni oo warkan nala wadaagay ayaa rumaysan in mid kamid ah bartilmaameedyada Mareykanku garaacay uu ku dhuumanayay horjooge Cabdiraxmaan Faahiye oo hadda hoggaamiya goosankii ka fiigay Daacish, balse weli Puntland iyo Mareykanka midna kama hadlin duqeyntii xalay.
PUNTLAND POST