
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo galabta magaalada Qardho tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland ayaa si adag uga hadlay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee rag taabacsan Villa Somalia dhawaanahan ka wadeen degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag.
Madaxweyne Siciid Den ayaa uga digay dowladda Federaalka Soomaaliya fara-gelinta qaadan, oo ay ku hayso degaannada Gobolka Sanaag, halkaasi oo siyaasiyiin taageersan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud isku dayayaan in ay ka abaabulaan shirar ka dhan ah jiritaanka iyo midnimada Puntland.
Wuxuu sidoo kale hanjabaad adag u diray Maamulka SSC-khaatumo oo uu ku eedeeyay in ay ku lug lee yihiin xiisadda siyaasadeed ee Gobolka Sanaag“SSCkhaatumo mar baa ilduufteen oo laydinka aamusay, Sanaag & Highland taladoodu Puntland ayey taal iyagaana doortay; haddaa goosateen in aad idinku maamul gaara noqotaan halkaas ku ekaada, haddaa xad gudubtaan wax aydin mutaysan annana mudnayn ayey arrintu isu beddeleysaa, joojiya faragelinta” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
“Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan ka xumahay waxay ka shaqaynayaan, haddii ay jiraan dad mas’uuliyiin ah oo ka soo jeeda Sanaag, xilalna ka haya Federaalka ha joogeen halkay ku shaqeeyaan, Puntland uma baahna fara-gelin iyo qalalaase siyaasadeed waan uga digaya Madaxda Federaalka arrintaasi waa in ay ka waan toobaan” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.
Halkaan ka daawo Khudbadda Madaxweyne Deni.
PUNTLAND POST