Booliska Puntland oo qabtay eedaysane loo haysto dilka nin Itoobiyaan ah

Ciidanka Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen eedeysane Maxamuud Axmed Warsame, oo loo haysto fal dil bareer ah oo uu u geystay muwaadin u dhashay dalka Itoobiya, kana mid ahaa shaqaalaha ka xoogsada beeraha ku yaalla deegaanka Ciira-dhame, oo hoos taga Degmada Carmo.

Fal dambiyeedkan foosha xun ayaa dhacay 10-ka Juun 2025, iyadoo uu eedeysanuhu dilay u geystay ninka ajnabiga ah, kuna dhuftay dhaawac sababay dhimashadiisa, kadib ka baxsaday laamaha amniga.

Booliiska ayaa muddo kadib ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan, Taliska Booliiska Gobolka Bari wuxuu xusay in eedeysanaha hadda ku jiro gacanta sharciga, islamarkaana baaritaanno dheeri ah ay socdaan si loo helo dhammaan caddeymaha la xiriira dhacdadaasi. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in dacwadiisa si degdeg ah loo horgeyn doono maxkamadda, si loo horkeeno cadaaladda.

Boolisku wuxuu si adag u cambaareeyay falalkan liddi ku ah nolosha iyo nabadgelyada bulshada, wuxuuna mar kale ugu baaqay shacabka Puntland inay si dhaw ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, kuna wargeliyaan wax kasta oo looga hortagi karo dambiyada iyo falalka xadgudubka ah.

PUNTLAND POST