
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xalay Garoowe kaga qayb-galay Xuska Munaasabadda Xornimada iyo Midowga Soomaaliyeed ee 1da Luuliyo.
Madaxweyne Siciid Deni oo Khudbad ka jeediyay Xuska Munaasabadda 1da Luuliyo ayaa ka hadlay Ilaalinta gobannimada Soomaaliya, dib u soo celinta Midnimadii iyo wadajirkii shacabka, hannaanka dowlad dhiska dalka, xallinta Khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo duruufaha qallafsan ee ka jira guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, waxaa uu ka hadlay fara-gelin siyaasadeed oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso degaannada Puntland, gaar ahaanna ciidamo uu sheegay in si qarsoodi ah loo qorayo, kuwaasi oo loo diiwaan-gelinayo in ay mushaarka siiso Villa Somalia, si ay ajandayaal qarsoon uga fuliyaan degaannada Puntland.
“Waxaa nasiib-darro ah in maalin walba wiilal Laabtoobyo wata lee yihiin Puntland baan ciidamo ka qoraynaa oo qarsoodi ah, oo hadba meel ka laabanayaan, waxaasi waa fool-xumo. Qofna intii uu dastuurka iyo qawaaniinta ku xad-gudbo in uu dhaho xasaanad baan lee yahay wax is qabta maaha” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.
Halkan ka daawo khudbadda Deni
PUNTLAND POST