
Laascaanood (Waraka PP) — U tartanka hoggaaminta maamulka SSC-Khaatumo (SSCK) ayaa marxalad galay kaddib markii uu maanta Cabdirisaaq Khaliif ku dhawaaqay inuu la tartamayo hoggaamiyaha hadda xilka haya Cabdulqaadir Aw Cali. Isla maanta Wasaaradda Arrimmaha Gudaha ee Dowladda Federaalku waxay soo saartay warqad ku saabsan dhammaystirka maamulka SSCK.
Cabdirisaaq Khaliif wuxuu hore u la soo shaqeeyay maamulka goosashodoonka ee Somaliland tan iyo billowgii 2023kii markaas oo uu kaga hor yimid maamulkaas dagaalkii Laascaanood. Waxaa dhiniciisa maanta taagnaa Cataash, oo ah maamulaha ololaha doorashada ee Cabdirisaaq. Ma cadda in doorashada maamulka Khaatumo qabsoomayso dhowaan iyadoo muddo xileedka hoggaamiyaha xilka haya ay ka harsan tahay in ka yar labo bilood.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah Garaadka Firdhiye iyo Cabdirisaaq Khaliif, weli muu caddaynin mowqifkiisa ku aaddan murrashaxnimada uu maanta Cabdirisaaq Khaliif shaaciyay. Xubno ka mid ah madaxdhaqameedka SSCK ayaa amminsan in aysan xaqsoor ahayn in labo siyaasi oo isku beel ahi u tartamaan hoggaaminta maamulka SSCK, taas oo loo fasiran karo in loo baahan yahay in midkood uu tartanka ka haro. Cabdirisaaq Khaliif wuxuu maanta sheegay inuusan ka noqon doonin go’aanka u tartanka hoggaaminta maamulka SSCK. Waxaa la filayaa in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil dhowaan hadal ka soo saaro loollanka siyaasadeed ka dhex socda Cabdirisaaq Khaliif iyo Cabdulqaadir Aw Cali.
© Puntland Post, 2025