
Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka ciidamada difaaca Puntland si buuxda ula wareegeen ceelka Shankaalooyinka oo dhaca togga Baallade, halkaasi oo ay maalmahan isku urursanayeen firxad ka tirsan mileeshiyaadka Daacish.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa soo sheegaya in ciidamada oo saaka hawlgal xooggan qaaday ay gebi ahaanba gacanta ku dhigeen ceelka Shankaaloyinka oo dhaca togga Baallade, halkaasi oo ay maalmahan isku urursanayeen firxad ka tirsan mileeshiyaadkii burburay ee Daacish.
” Ciidamada difaaca Puntland oo saaka weerar cir iyo dhul ah ku qaaday argagixisada Daacish ayaa gacanta ku dhigay ceelka Shakaalooyin oo dhaca togga Baallade, halkaasi oo ay maalmahan isku urursanayeen firxadkii mileedhiyaadka jabay ee Daacish” sidan ka xigannay saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka Calmiskaad.
Hawlgalka Calmiskaad oo maraya wejigii Afraad ayay dowladda Puntland sheegtay in lagu guulaystay 98%, islamarkaana loo gudbay sifayn guud oo lagu cirib-tirayo firxadkii mileeshiyaadka kooxda ee ku kala firdhaday hawlgalladii hore, kuwaasi oo qaarkood ku go’doonsan yihiin meelo kooban.
PUNTLAND POST