
Gudoomiyaha degmada Carmo Maxamed Cali Shire oo saaka ka hadlay fadhiga golaha deegaanka oo furmay ayaa shaaciyay in uu si rasmi ah isaga casilay xilka gudoomiyaha degmada Carmo.
” Waan ogahay guuxa xildhibaanada, mudadaas aan joogay waxa aan qabtay ee aan soo bandhigay hadaydaan lugaha i qabsan ka badan ayaan qaban-lahaa, Xildhibaanadu waa gartood oo waxaan ogahay in ay jiraan kuwa badan oo aan weligood xafiis fariisan, bulshadayda i jecel waxaan leeyahay saaka go’aan ayaan qaatay oo ah inaan is casilo”.
Is casilaadda guddoomiyaha degmada Carmo ayaa timid kaddib markii inta badan xubnaha golaha degaanka degmadaasi soo gudbiyeen mooshin xilka qaadis ah oo isaga ku socda, kaddib markii ay ku eedeeyeen shaqa-xumo iyo xil gudasho la’aan.
PUNTLAND POST