
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa xalay ku shaaciyay bartiisa Truth Social in Iiraan iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen xabbad-joojin buuxda, taasoo billaaban doonta 6 saacadood gudahood, marka labada dhinac ay dhammeeyaan howlgalladooda ugu dambeeya.
Xabbad-joojintu waxay socon doontaa 12 saacadood, ka dibna dagaalka waxaa si rasmi ah loogu aqoonsan doonaa inuu dhammaaday, sida uu sheegay Madaxweyne Donald Trump oo warkaasi shaaciyay.
Sarkaal-sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa u sheegey Reuters; In Iiraan oggolaatay xabbad-joojinta dagaalka oo uu soo jeediyey Mareykanku, dowladda Qadar ayaa sidoo kale door dhexdhexaadin ah ka qaadatay xabbad-joojinta dagaalka Israa’iil iyo Iiraan ee uu ku dhawaaqay Trump.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netenyaahu ayaa dhankiisa u sheegey Wasiiradiisa in aysan ‘wax falcelin ah’ ka samayn xabbad-joojinta dagaalka labada dhinac, taasi oo loo fasirtay in ay dhab ahaan u ogolaadeen xabbad-joojinta.
PUNTLAND POST