Guddoomiyaha degmada EYl ee gobolka Nugaal oo toorrey lagu dhaawacay

Wararka ka imaanaya degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo dhacda xeebta badweynta Hindiya ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dhaawacay guddoomiyaha degmadaasi, Faysal Khaliif Wacays.

Sidan ka xigannay sarkaal ka tirsan Booliska Puntland, waxa guddoomiye Faysal toorrey ku weeraray nin dhalinyaro ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan EYl, waxaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray dhuunta iyo garka oo ay ka looshay toorreydii.

Dhaawaca guddoomiyaha ayaa markiiba loo qaaday isbitaalka degmada Eyl, halkaasi oo looga sii gudbinayo isbitaalka Garoowe, islamarkaana waxa la sheegay in hadda xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, sidan ka xigannay qof kamid ah qoyskiisa.

Ciidamada Ammaanka degmada Eyl ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay eedaysanihii toorreyda ku weeraray guddoomiye Faysal, kaasi oo loo gudbinayo laamaha baarista, si sharciga loo horgeeyo.

PUNTLAND POST