Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley oo loo doortay Kursigii uu ka geeriyooday Sen. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo saaka xaruntooda ku yeeshay Fadhi ku saabsan Xasaanad-siinta mas’uuliyiinta u baahan Xasaanadda ayaa buuxiyay kursi ka bannaanaa Aqalka Sare ee BFS oo uu ka geeriyooday Sen. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

Fadhigii saaka oo uu shir-guddoominayay guddoomiye, Cabdirisaaq Axmed Siciid (Qaraaje), oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka labaad, Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe) ayaa lagu doortay sen. Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley oo buuxiyay kursigii Aqalka sare ee uu ka geeriyooday AUN. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab).

“Goluhu wuxuu Maanta buuxiyey kursiga Aqalka Sare ee ku metelayey Puntland kaas oo uu ka geeriyooday Senatar hore Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxana uu Golaha cod aqlabiyad ah ku doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley in uu buuxiyo kursigaasi” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Fadhigii Saaka ee Baarlamaanka Puntland.

Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley oo kamid ahaa La-taliyaasha Madaxweyne Siciid Deni, islamarkaana ay riixaysay Madaxtooyada Puntland ayaa keligiis u tartamay buuxinta Kursigii uu ka geeriyooday Senetor Gaagaab, kaddib markii uu tanaasulay musharrax kale oo kula tartami lahaa.

PUNTLAND POST