
Mas’uuliyiintii ugu badnaa, oo ay ku jiraan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland ayaa lagu amray in ay soo xaadiraan Kulan Talaadada Todobaadkan ka dhacaya Madaxtooyada Garoowe.
Dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland ayaa lagu wargeliyay in aysan cidna ka maqnaan karin Kulankan oo Madaxweyne Deni uu warbixin ku siinayo mas’uuliyiinta dowladda, sidan ka xigannay ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada.
“Mas’uuliyiintan ugu badnaa ee dowladda oo ay ku jiraan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka ayaa loo wacay kulankan oo Talaadada ka dhacaya Madaxtooyada Garoowe, kaasi oo Madaxweyne Deni warbixin ku siinayo mas’uuliyiinta dowladda” ayaan ka xigannay ilo wareedyo aan rabin in magacyadooda la xuso.
PUNTLAND POST