Cabdirisaaq Ducaysane oo si adag u dhaliilay mas’uuliyiinta caadaystay cayda iyo aflagaadada madaxda

Siyaasi Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa si adag u dhaliilay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo caadaystay cayda iyo aflagaadada madaxda labada dhinac.

Cabdirisaaq Ducaysan ayaa sheegay in wasiiro ka tirsan Puntland iyo dowladda Federaalka qolo kasta caadaysatay in ay cay iyo aflagaaddo u miisto madaxda labada dhinac si ay u raalli-geliyaan hadba kii ay u shaqeeyaan (Xasan iyo Deni), taasi oo uu ku tilmaamay mid abuuraysa kalsooni-darro iyo cuqdi.

“Wasiirada dhinaca Puntland ku caan baxay cayda iyo aflagaadada madaxda DFS oo waliba maalmaha gaartay meel aan la gacantogaalayn iyo nasabad cay waa: Wasiru dawlaha madaxtooyada Pl oo RW Xamsa ku tilmaamay ‘Hanti uu leeyahay Madaxweyne HSM, iyo Wasiirka Warfaafina Puntland oo RW Xamsa ku tilmaamay ‘AY’, isla markaasna shaki galiyey Nasabadiisa qof ahaaneed.”

“Dhanka Federaalka, Wasiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda oo ah xildhibaan Puntland kumatala DFS ayaa ku caan baxay 24/7 cayda Xukuumada Puntland iyo Madaxweyne Siciid Deni” ayuu yiri siyaasi Ducaysan oo maanta soo saaray qoraal uu si adag ugu dhaliilayo mas’uuliyiinta labada dhinac ee caadaystay cayda iyo aflagaadada Madaxda kale, si ay u raalli-geliyaan kuwii xilka u dhiibtay.

Cabdirisaaq Ducaysane ayaa intaasi ku daray in markii xil loo dhiibo qof aan aqoon iyo karti midna lahayn natiijada laga dhaxlo ay tahay in uu sameeyo wax kasta oo uu ku raalli-geli is lee yahay ciddii magacowday, si uu xilkiisa u ilaashado.

PUNTLAND POST