
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in maanta ciidamada difaaca Puntland hawlgal ka wadaan degaannada ku hareeraysan togga Miraale ee buuraha Calmiskaad.
Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad, ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka hawlgalkooda ku ugaarsanaya firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ka cararay togga Miraale, halkaasi oo ay maalmo ka hor la wareegeen ciidamada Puntland.
“Maanta Ciidanku waxay hawlgal ka wadaan deegaannada ku hareeraysan Togga Miraale, iyagoo ugaarsanaya firxadkii Argagixisada Daacish ee ka cararay Miraale, Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu soo saaray Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.
Sabtidii todobaadkan, ciidamada difaaca Puntland ayaa hawlgal cir iyo dhul ah kula wareegay Taliskii ceelka Miraale ee mileeshiyaadka Daacish, kaddib markii ay halkaasi isaga carareen firxadkii argagixisada oo sida dowladdu sheegtay in ka badan 15 xubnood looga dilay hawlgalkaasi.
PUNTLAND POST