Madasha Mucaaridka Soomaaliya oo si taxaddar leh u soo dhaweysay gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madasha la baxday Samata-bixinta ee ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay gogoshada Wadatashi ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay ku baaqeen in la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga wada hadlayo gogosha.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay soo dhoweyneysaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay, kuna muddeeyay 15-ka Juun, 2025. 
Haddaba, si looga miradhaliyo gogoshan, xalna looga gaaro hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha murugsan ee xag amni, siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dalku ku jiro” ayaa lagu yiri Warmurtiyeed ka soo baxay Madasha.

Madasha Mucaaridka waxay sidoo kale soo jeedisay in Gogoshu noqoto mid wada hadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada ah.

“In gogoshu noqotaa mid wada hadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah” ayuu sii raaciyay Warmurtiyeedka ka soo baxay Madashaasi.

Madasha Mucaaridka waxay sidoo kale ku baaqday in gogosha Shirka ay noqoto gogol loo dhan yahay oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan madaxda dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, islamarkaana la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga wada hadlayo gogosha. 

PUNTLAND POST