
Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay in ay markii u horraysay dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah (Money Laundering).
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Boosaaso kula shiray Ganacsatada Gobolka Bari ayaa u sheegay in ay dowladdu dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah oo ay caan ku yihiin Argagixisada ISIS.
“Waxaa dhowaan la hirgalin doonaa hay’ad ka hortagta dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo la hadlayay Ganacsatada Gobolka Bari, waxaana uu intaasi ku daray in kooxaha Argagixisada ah adeegsadaan hannaanka dhaqidda Lacagaha Sharci-darrada ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Ganacsatada Gobolka Bari u sheegay in laga guulaystay Argagixisadii ISIS ee dhibaatada xooggan ku haysay Ganacsatada Boosaaso, islamarkaana ka qaadi jirtay Lacaga baadda ah, oo ay ku sheegaan Sakawaadka.
PUNTLAND POST