
Degaannadii laga saaray dagaallamayaasha ISIS ayaa laga helay warqado sir ah oo muujinaya in dhaawacyada xubno ka tirsan kooxdaasi lagu soo dawayn jiray isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Ciidamada difaaca Puntland oo baaritaan ku sameeyay xarumihii laga saaray Argagixisada ISIS ayaa helay caddaymo muujinaya in xubno kamid ah mileeshiyaadka kooxda oo dhaawacmay lagu soo daweeyay isbitaallo ku yaalla Hargeysa, sida ay warbaahinta u soo bandhigeen saraakiisha ciidamada.
Saraakiisha Ciidamada Puntland oo weli baaritaan ku haya caddaymaha laga helay xarumihii Argagixisada ee xaqiijinaya in isbitaallada Hargeysa lagu daweyn jiray dhaawacyadooda ayaa si KMG ah u hakiyay in la shaaciyo magacyada xarumahaaasi caafimaad ee Hargeysa, inta laga dhammaystirayo baaritaanka socda.
Bishii hore ee Febraayo ayaa sidoo kale saldhigyo laga saaray dagaallamayaasha ISIS, waxay ciidamada Puntland ka heleen lacagta shilinka Somaliland oo jawaanno lagu qariyay, taasi oo ay warbaahinta u soo bandhigeen.
PUNTLAND POST