
Hay’adda Gargaarka Mareykanka ee USAID ayaa lagu eedeeyay in ay taageero siin jirtay kooxaha Argagixisada ah ee Soomaaliya iyo ururo kale oo ka dagaallama Afgaanistaan iyo Falastiin.
Laba Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Mareykanka; Tim Burchett iyo Marjoriya Taylor Greene ayaa sheegay in USAID ay todobaad walba kooxahaasi u diri jirtay lacag loogu tala-galay gargaarka oo qiyaas ahaan dhan 2.1 bilyan oo doollar; iyada oo taasi ay ku sheegeen in ay tahay qiyaano ay hay’addu ku sameysay dowladda Mareykanka.
Ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya in Hay’adda USAID ay si toos ah taageero ugu fidisay ururrada Al-shabaab, Daalibaan iyo Al-qaacidda, marka laga reebo hadalka ay sheegeen labada xildhibaan ee Tim Burchett iyo Marjoriya Taylor Greene.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore shaqada ka joojiyay hay’adda USAID, isagoo si cad u muujiyay in uu doonayo in kharashka dibadda uu si dhow ula jaanqaado aragtidiisa “America First”.
PUNTLAND POST