
Israa’iil ayaa tan iyo saakay 150 weerarro dhinaca cirka ah ka geysatay gudaha dalka Lubnaan.
Duqeymaha inta ay socdaan waxaa ka qeybqaatay inta badan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee noocyada F-35s, F-16s, iyo F-15s, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay gudaha Lubnaan ku leedahay Xisbullah.
Sidoo kale , Israa’iil waxay hab farriimo telefoonka ay ugu dirtay iyo cawitaanba ugu sheegtay dadka deggan koonfurta Lubnaan inay ka fogaadaan aaggaga ay ku badanyihiin Xisbullah ee saldhigyadooda hubka.
PUNTLAND POST