
Xisbi siyaasadeedka SINCAD oo uu hoggaamiyo Eng. Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa xalay caddeeyay mowqifkiisa xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.
Bayaan ka soo baxay Xisbi siyaasadeedka SINCAD ayuu ku caddeeyay mowqifka uu ka taagan yahay xiisadda waayadan danbe ka dhex jirta xukuumadda madaxweyne Deni iyo Ciidanka PSF.
Xisbi siyaaaadeedka SINCAD ayaa ku baaqay in nabad lagu dhammeeyo xiisadda ka taagan Boosaaso ee u dhexaysa xukuumadda madaxweyne Siciid Deni iyo ciidanka PSF oo uu hoggaamiyo Maxamuud Cismaan Diyaano.
Xisbiga ayaa sidoo kale ciidamada kala duwan ee Puntland ugu baaqay in ay ka fogaadan ku milanka arrimaha siyaasadda taasi beddelkeedana ku dadaalaan shaqada ay u xil saaran yihiin ee ilaalinta Amniga.
Halkan ka akhriso bayaanka xisbiga SINCAD

PUNTLAND POST