
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo rasmi ah ku joogay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga ayaa shir la yeeshay dhiggiisa dowladda Boqortooyada Sucuudiga Mudane Eng. Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley.
Labada dhinac ayaa ka wadahadalnay xoojinta xiriirka labada waddan, iskaashi dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah iyo in dowladda Sucuudigu ay maalgashi wax ku ool ah ku sameyso Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya gaar ahaan Kalluumeysiga.
“Waxaan hoosta ka wada-xariiqnay muhiimadda ay lee dahay iskaashiga labada dowladood iyo maalgashi ay ganacsatada sucuudigu ku sameeyeen Kalluumeysiga gudaha, aniga oo la wadaagay fursadaha dihan ee ka jira maalgashiga Kalluumeysiga dalka” ayuu yiri wasiir Axmed Xassan Aadan.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro dedaal gaar ah oo uu ku bixinayo in dalku uu helo maalgashi caalami ah kaas oo wax ka tari kara kordhinta dakhliga iyo wax soosaarka gudaha horseedna u noqon kara in dalku uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.
PUNTLAND POST