Madaxweyne Tayyip Erdogan oo marti qaad rasmiya u fidin doona Bashar al-Assad

Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay sheegay inuu martiqaad rasmi ah u fidin doono Madaxweynaha Suuriya,
Bashar al-Assad , si dib loogu hagaajiyo xiriirka labada dal.

Erdogan , wuxuu muddo 10 sanno ah si xooggan u maalgeliyay mucaaraadka Suuriya , si ay xukunka uga tuuraan Bashar al-Assad, laakin hadda wuxuu aqbalay Erdogan inaysan taas shaqeynayna, si la mid ah Mareykanka oo waqti hore aqbalay inaysan awoodin xukunka in laga tuuro Bashar al-Assad.

Maraykanku wuxuuv qaatay siyaasad go’doomin ah, balse Turkiga sidaa ma sameyn karo sababo la xiriir xadka labada dal iyo khatarta amni ee uga imaan karta Suuriya , taasi oo hadda ku qasbaysa inuu xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi la yeesho Suuriya , isagoo aqoonsan Bashar al-Assad.

Waddamada Carabta , ayaa iyagana ka qaaday xannibaada Bashar al-Assad,iyagoo dib usoo celiyay kursigii Jaamacadda Carabta. Sidoo kale , waa inan ku sheega Bashar al-Assad, waa hoggaamiyaha kaliya ee ka badbaaday ololihii guga Carabta ee ay ka faa’iideysteen reer galbeedka iyo dhaqdhaqaaqii isbeddelka uu doonayay Mareykanka oo sidoo kale taageerraya siyaasadda bariga dhexe ee Israa’iil.

PUNTLAND POST