
Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Maanta Warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Xafiiska Hantidhowrka guud ee Puntland.
Guddiga oo gacanta ku haya akhriska iyo falanqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedkii 2023, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha iyo xubnaha kale Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dawladda Puntland.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka 2023 ee Golaha horyaala, waxaana mas’uuliyiinta Hantidhowrku ay Guddiga xog ka siiyeen Xisaab-xirka 2023, iyagoona uga jawaabay su’aalaha Xildhibaannadu waydiiyeen.
PUNTLAND POST