Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo Maanta u codaynaya xubinimada Soomaaliya ee Golahaasi

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Maanta oo Khamiis ah u codaynaya in Soomaaliya xubin aan joogta ahayn ka noqoto Golaha Ammaanka.

Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York waxaa ku sugan wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, si ay uga qayb galaan Fadhiga Goluhu ugu codayno Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonta muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025.

Soomaaliya waxaa ku biiraya afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo mid noqdeen Golaha, iyada oo ay Soomaaliya ugu dambeysay muddo laga joogo 53 sano.

Dalalkan ayaa bedelaya Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

PUNTLAND POST