
Taliska Ciidanka Amniga ee PSF ayaa jawaab ka bixiyay eedayn loo jeediyay oo ku saabsan in ay mas’uul ka yihiin dhacdooyin amni-darro oo ka dhacay Boosaaso islamarkaana is-hor taag ku sameeyeen shaqadii Booliska Puntland.
Taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ka warbixinayay iska hor-imaad shalay ka dhacay Boosaaso ayaa ciidanka PSF ku eedeeyay in ay weerar ku qaadeen saldhiga bartamaha Boosaaso kalana baxeen laba eedaysane halka ay ku dhaawaceen laba askari oo boolis ah.
Taliye Muumin ayaa sidoo kale Ciidanka PSF ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhacdooyin amni-darro oo marar kala duwan ka dhacay Boosaaso islamarkaana is-hor taag ku sameeyeen shaqadii Booliska.
Haddaba Taliska Ciidanka PSF oo war-saxaafadeed ka soo saaray iska hor imaadkii Boosaaso ayaa hadal aan aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay eedaynta uga timid Taliyaha Booliska Puntland waxaana ay sheegeen in aysan waxba ka jirin dhammaan eedaha uu u jeediyay Gen. Muumin.
Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka PSF

PUNTLAND POST