
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Khamiista toddobaadkan booqasho rasmi ah ku tagaya Aqalka Cad, halkaa oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Tan ayaa ka dhigtay Ruto, hoggaamiyihii u horreeyay ee Afrika oo Aqalka Cad lagu soo dhaweeyo tan iyo 2008-dii, waxaa kalo uu noqonaya madaxweynihii u horreeyay ee Kenya oo muddo ka badan labaatan sanno lagu qaabilo Aqalka Cad.
Biden ayaa sidoo kale markii u horreysay hoggaamiye Afrikan ah ku qaabbilaya Aqalka Cad, tan iyo markii uu xilkan qabtay, waana muujin uu Mareykanka ku soo bandhigayo iskaashiga uu la leeyahay Kenya.
PUNTLAND POST