
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa u magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeen waddanka Itoobiya siyaasi ka soo jeeda Soomaalida dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Aadam Faarax u magacaabay in uu noqdo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Madaxa Xafiiska Isku xirka Xarunta Dhismaha Dimuqraadiyadda laga bilaabo 01 Abriil 2024.
Aadan Faarax ayaa hore u ahaa Madaxa Xisbiga Barwaaqo iyo gudoomiyaha Golaha shucuubta Itoobiya.
Sidoo kale Aadan Faarax ayaa Xukuumadda Degaanka Soomaalida ka soo noqday Madaxweyne ku xigeen.
PUNTLAND POST