Ciidanka badda Hindiya oo soo bandhigay 9 burcad-badeed Soomaali ah oo isu soo dhiibay

Ciidanka badda Hindiya ayaa soo bandhigay sagaal burcad badeed Soomaali ah oo shalay isku soo dhiibay.

Burcad-badeedda isa soo dhiibay ayaa afduub u haystay doonni kalluumeysi oo Iran laga leeyahay laguna magacaabo FV Al-Kambar.

Ciidanka badda Hindiya ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen 23 shaqaale oo u dhashay Pakistan islamarkaana dhammaantood bad-qabaan.

Waxay intaasi raaciyeen in kadib markii baaritaan ay ku sameeyeen doonta ay dib u fasaxeen oo ay mar kale bilowday hawlihii kalluumeysiga.

Burcad-badeedda Soomaalida ah ee gacanta lagu hayo ayaa loo geyn doonaa 35 burcad-badeed kale oo ku xiran dalka Hindiya kuwaasi oo todobaadyo ka hor isu dhiibay ciidanka badda Hindiya.

PUNTLAND POST