
Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay aqbashay habka loo dhigay heshiis xabbad-joojineed oo ku saabsan dagaalka Qaza, oo ay ku jiraan in la sii daayo maxaabiista laga haysto Israa’iil.
Sarkaalkan Maraykanka ah oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa weriyayaasha u sheegay in haatan jawaabta laga sugayo dhinaca Xamaas, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku ay si adag, dabada uga riixayaan dhaqangelinta xabbad-joojintaasi.
Heshiiskan ayaa dhigaya in muddo lix toddobaad ah la joojiyo dagaalka, isla markaaana la sii daayo maxaabiista nugul.sidoo kale waxaa heshiiskan cusubi uu dhigayaa in kooxaha gargaarka bini’aadanimo loo ogolaado inay galaan marinka Qaza.
Wadahadalada lagu hirgelinayo Heshiiskaasi ayaa ka sii soconaya dalka Masar, iyada oo ergo dhexdhexaadiyayaal ah oo ka kala socda Qatar iyo Masar ay filayaan inay helaan jawaabta Xamaas ee heshiiska cusub.
Dhinaca kale Warbaahinta Caalamiga ah ayaa sheegaysa in saddex diyaaradood oo C-130 ee Mareykanka in ay 66 xirmo oo gargaar ah ku daadiyeen Qasa.
PUNTLAND POST