
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhegeysiga dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Sayid Cali Macallim Daa’uud oo horay u gubay Xaaskiisa oo uur lahayd.
Sayid Cali Macallim Daa’uud ayaa 26 kii January, 2024, degmada Dharkenley nolosha ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd xaaskiisa oo uur lahayd, ugu dambeyna u geeriyootay iyada iyo ilmihii yara ee caloosha ay ku sidday.
Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Eedeysanaha gacanta kusoo dhigay 05-02-2024 xilli uu ku dhuumaalaysanayay meel u dhow degmadda Wisil ee gobolka Mudug.
Maxakamadda Gobolka Banaadira ayaa saaka lagu wadaa in xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya dhibanaha ay hor keenaan maxkamadda caddeymo iyo marqaatiyo dhameystiran.
PUNTLAND POST